Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumada Soomaaliya oo ka warbixiyey Shirkii uu la Qaatay Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa ka warbixiyey kulan ballaaran oo ay maanta magaalada Muqdisho kula qaateen gudoomiyahaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo dhamaan saraakiisha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya wuxuuna sheegay in ujeedka kulankaasi uu ahaa sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sheegay in si qota dheer la iskaga wareystay sida ugu haboon ee looga wada shaqayn lahaa xaqiijinta amniga caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo uu sheegay in laga qabto hawlo badan oo lagu adkeynayey balse waxa uu til maamay in maalmahan danbe ay soo ifbaxday habacsanaan dhanka amniga ah.
C/kariin Xuseen Guuleed ayaa daboolka ka qaaday in kulanka laisku tusaaleeyey in shacabka Soomaaliyeed uu leeyahay doorka ugu muhiimsan ee sugida amniga magaalada Muqdisho wuxuuna tibaaxay in cidda baahida ugu weyn u qabtay nabada magaalada ay tahay shacabka ku nool caasimada Muqdisho sidaas darteedne looga fadhiyo iney qayb libaax leh ka qaatay xaqiijinta nabadgalyada magaalada.
Wasiirka ayaa sheegay in kulamada looga arinsanayo sugida nabada Muqdisho ay noqon doonaan kuwo si joogto ah uga dhaca magaaalada Muqdisho ilaa laga soo afmeero falalka lidka ku ah amniga xarunta dalka ee Muqdisho.

You must be logged in to post a comment Login