Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Wasiirka arrimaha gudaha Somalia oo gudi u xilsaaraya qasaaraha roobabka

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay roobabka ka da’ay gobolada dalka iyo saameynta ay dadka ku yeesheen.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in Gudi ay u xilsaarayaan inay soo qiimaayaan xaaladda dadka ay saameeyeen roobabka iyo sidoo kale wax ka qabashada dhibaatooyin ay gaysteen roobabka.

Wasiirka arrimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay Hay’adaha samafalka iyo dadka haysta hantiada inay gargaaraan dadka ay saameeyeen roobabka.
Roobabka ka da’ay dalka ayaa inkastoo lagu neecaawsaday hadana waxaa jira inay saameyn ku yeesheen dadka taagta daran.

You must be logged in to post a comment Login