Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Xasan Sh oo u adkeysan waayay dhibka ay ciidamada DF ku haayaan shacabka ku nool Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Villa Baydhabo ee magaaladda Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa saraakiisha Ciidamadda Xooga Dalka u sheegay in looga fadhiyo soo nooleynta heybaddii iyo sharafkii ciidan Qaran iyo sidii wadashaqeyn dhaw ula-yeelan lahaayeen shacabka si kalsoonidoodu loo kasbado.

Ugu dambeeyntii Madaweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa balan-qaaday in ciidamadda iyo saraakiishuba si joogta ah u heli doonaan mushaaraadka isla-markaana muhiimada koowaad la siin doono sidii dhaqaalaha soo gala Dowladda loogu dabooli lahaa baahiyaha Ciidamadda asiga oo ugu baaqay iney joojiyaan dhaca,booka iyo dilaka ay ku haayaan shacabka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay dowlada ka taliso oo ay ugu horeyso caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.
Halkaan hoose ka daawo warkaani ka soo baxay Xasan Sh Maxamuud.

You must be logged in to post a comment Login