Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Xasan Sheekh Maxamuud oou safray Japan

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Jabaan halkaasoo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo shir looga hadlayo horumarinta Qaaradda Afrika.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay warbaahinta intii uusan wafdigu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu shirar kala duwan uga qaybgalayo dalka Jabaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii xilka loo doortay wuxuu ku jiray safarro uu ku aadayo dalalka dibadda, kuwaasoo lagu sheegay inay ka mid yihiin qorshaha dowladda ay ku doonayso inay kusoo celiso xiriirkii ay Soomaaliya la lahayd caalamka intiisa kale.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhan

You must be logged in to post a comment Login