Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Xisbiga mucaaradka ee Wadani oo cambaareeyay siyaasada dibada ee maamulkooda Somaliland

Xisbiga mucaaridka ah ee Wadani ayaa weeraray shir goboleedkii maal-gashiga ahaa ee ay ka qeyb galeen madaxda labadal dal ee Kenya & Soomaaliya iyadoo oo xubnaha uga qeybgalay Soomaaliya ay kala socdeen Dowlada federaalka ee Soomaaliya & maamulka Somaliland, iyada oo la ogsoonyahay in shirkaasi oo ku sabsanaa sida dadka Soomaalida ay u maalgashan lahaayeen dalkooda Soomaaliya ayaa xisibga wadani ku doodeen inuu dhaawacayo waxa ay ugu yeereen qaranimadda maamulka Somaliland.
Xisbiga Wadaniwaxay si shakhsi ah u weerareen Wasiirka Khaarajiga ee maamulka Somaliland iyagoo aan wax macluumaadka ah haynin natiijadii shirka ka soo baxday oo aan wax saamayn ah oo taban u lahayn Somaliland.

War-saxaafadeed xisbigu soo saaray ayay ku sheegeen inay cambaareynayaan shirkii Wasiirka Khaarajigu kaga qeyb galay Nairobi iyagoo oo dhanka kale cambaareeyay madaxweynaha maamulkooda Axmad (Siilaanyo).
Halkaan hoose ka daawo cambareynta xisbiga wadani ay cambaareynaayaan shir dhawaan ka dhacay Nairobi oo maamulkooda uu ka qeybgalay.

You must be logged in to post a comment Login