Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Xukuumada Soomaaliya oo Maanta Gar-gaar Gaarsiisay Xabsiga Dhexe ee Xamar oo uu ka Dilaacay Cudurka Shuban-biyoodka

Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta deeq gaarsiisay xabsiga dhexe ee Xamar oo uu ka dilaacay cudurka Shuban-Biyoodka masuuliyiinta wasaaradaha Garsoorka iyo adeegga bulshada xukuumada Soomaaliya ayaa maanta gaaray xarunta Xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho deeqda la gaarsiiyey ayaa iskugu jirta dawooyin,dhaqaatiir iyo Teendhooyin.
Agaasimaha waaxda caafimaadka wasaarada adeegga bulshada Max’uud Cismaan oo saxaafada kula hadlay gudaha xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney maxaabiista ku jira xabsiga oo uu fara ba’an ku hayo cudurka shuban-biyoodka ay lasoo gaareen deeq ka koobaan daawooyin iyo waliba dhaqaatiir baaritaano caafimaad u fidiya maxaabiista ku jira Xabsiga.
Agaasimaha ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya gaar ahaan wasaarada adeegga bulshada ay il gaar ah ku haysay dhibaatada caafimaad darro ee ka taagan xarunta Xabsiga dhexe ee XAmar oo ay ku Jiraan Maxaabiis gaaraya 1300 oo maxbuus kuwaas oo lagu riday xukuno kala duwan.
wasiirka wasaarada garsoorka cadaalad, ,diinta iyo Aw-qaafta xukuumada Soomaaliya C/laahi Abyan ayaa sheegay in xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay iney u gurmato maxaabiista ku dhibaateysan xabsiga wuxuuna sheegay in wasaaradiisu ay ugu gurmatay Teendhooyin gaaraya 20 xabbo.

You must be logged in to post a comment Login