Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka: Yemen oo Sheegtay Iney Dhawaan Duulimaadyo Caalami ah ka Bilaabi Doonto Magaalada Muqdisho ee Xarunta dalka Soomaaliya

Wafdi ka socda wadanka Yemen aya maanta soo gaaray magaalada Muqdishon ee caasimada Soomaaliya isla marnkaana kulan kula qaatay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wasiirka wasaarada warfaafinta xukuumada Soomaaliya C/laahi Ciil-mooge Xirsi markii uu soo idlaaday kulanka ay wadahadalkii ay yeesheen labada dhinac ayaa waxaa warbaahinta uga waramaya waxyaabihii ay ka wada hadleen wasiirka warfaafinka xukuumada Soomaaliya.
C/laahi Ciil-mooge Xirsi ayaa sheegay in wafdigani ka socda shirkadaha duulimaadyada dalka Yemen uu ahaa ujeedka safarkoodu sidii ay u indha-indhayn lahaayeen xaalada guud ee garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay damacsan yihiin iney waqtiyada dhow ka bilaaabaan duulimaadyo caalami ah.
Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in wafdigaani ka socday dalka Yemen ay u sheegeen iney doonayaan in markale 22 sano kadib Muqdisho ka bilaabaan duulimaadyada heerka caalami ee ay sameeyaan diyaaradaha dalkaas oo hada ay ku tagaaan wadamada bariga Afrika sida magaaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wasiirka ayaa intaa ku daray in labada dhinac ay ku heshiiyeen in dalka Yemen uu gacan ka geysto tababarida shaqaalaha garoonka Muqdisho ,wuxuuna tilmaamay iney guul tahay imaanshaha wafdigan,wuxuna sheegay in wafdigaani marka ay dib ugu noqdaan dalka Yemen ay diyaarinayaan sida ugu macquulsan ee ay u bilaabi lahaayeen duulimaadkooda Muqdisho.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login