Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka:Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya oo warbixin ka dhegeystay Wasiirka Maaliyada

Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku yeeshay kalafadhigii 2-aad kulankiisa 13-aad kooramka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 160 xildhibaan iyadoona oo kualnka maanta shir gudoominayey gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo sii haya xilka gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa in mudaneyaasha ay warbixin ku saabsan xisaab xirka miisaaniyada 3 bilood ee octobar ilaa December ee sanadkii hore ay ka dhageystaan wasiirka maaliyada iyadoo uu goob joog ka ahaa kulankii maanta ee baarlamaanka wasiiirka maaliyada iyo qorsheynta xukuumada Soomaaliya Maxamuud Xasan Saleebaan.
Maxamuud Xasan Saleebaan wasiirka maaliyada ayaa laga codsaday markii uu furmay kulanka baarlamaanka inuu ka warbixiyo miisaaniyadii mudada 3-da bilood ahayd ee dabayaaqadii sanadkii hore wuxuuna tilmaamay in ku talagalka wasaaradu uu ahaa iney soo xarooto lacag gaareysa 32 milyan oo doolar balse waxa uu sheegay ineysan dhicin isla markaane ay qasnada dowlada soo gashay lacag gaareysay 9 Milyan iyo Bar oo doolar sida uu sheegay.
Gudoomnka baarlamaanka ayaa markii ay dhamaatay dhegeysiga warbixinta wasiirka ku dhawaaqay in gudiga maaliyada ee baarlamaanka Soomaaliya ay muddo 15-maalmood gudahooda iney kusoo gudbiyaan warbixin qoraal ah la xiriirta darsida warbixinta uu wasiirka maaliyadu baarlamaanka u gudbiyey ee xisaab xirka bilihii October,November iyo December ee sanadkii ina dhaafay ee 2012.

You must be logged in to post a comment Login