Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka:Ciidamada AMISOM oo Garoonka Ugaas Khaliif ka Bilaabay Dayactir Xoogan

Ciidamada AMISOM ee ka socda Dalka Jabuuti ayaa waxa ay Garoonka Ugaas Khaliif ee Magaalada Baledweyne ka bilaabeen Dayactir xoogan, kaasoo laga dareemayo bur bur xoogan.
Garoonka qeybihiisa kala duwan ayaa waxaa ka socda Dayactirka, iyadoo ciidamada AMISOM ee Jabuuti ay gacan ka geysteen in dayactir lagu sameeyo Garoonka Ugaas Khaliif oo ka mid ah Garoomada Dalka Soomaaliya.
Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku howlgalaya magaca AMISOM ayaa warbaahinta u sheegay in Dayactirka Graoonka uu marayo meel wanaagsan, isla markaana dhawaan la soo gaba gabeynayo.
Garoonka Ugaas Khaliif ayaa mudooyinki dambe wuxuu waayay dayactir lagu sameeyo, iyadoo wali Dowlada Soomaaliya aysan bilaabin qorshooyin ay ku dhiseyso Garoomada Dalka Soomaaliya, waxaana hada ka caawinaya Ciidamada Jbauuti ee AMISOM.
Likiga hoose ku dhufo si aad u daawato warbixntaani oo faahfaahsan

You must be logged in to post a comment Login