Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka:Dowlada Soomaaliya oo Maamul kumeelgaar ah u Magacowday Gobolka Ged

R/wasaaraha xukuumada Soomaaliya ayaa maamul ku meelgaar ah u magacaabay gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya R/wasaare Cabdi Faarax Shiirdoon Saacid oo maanta kasoo laabtay safar uu shalay ku gaaray magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa saaka intii uusan kasoo ambabixin magaalada Garbahaarey waxa uu halkaa kaga dhawaaqay maamul kumeel gaar ah oo uu yeelan doono gobolka Gedo.
R/wasaaraha dalka Cabdi Faarax Shiirdoon ayaa gudoomiyaha maamulka gobolka Gedo u magacaabay Max’ed Cabdi Kaliil oo hore u hayey xilkaas,waxaana wali dhiman oo aan la magacaabin qaybaha kale ee maamulka gobolka Gedo waxaana lagu xaqiijiyey in dib laga soo dhamaystiri doono xubnaha ka dhiman maamulka cusub ee kumeelgaarka ah ee uu yeelanayo gobolka Gedo.
R/wasaaraha ayaa dhanka kale heshiis lasoo galay ururka ahlu sunna ee ka jira Koonfur galbeed Soomaaliya waxaana heshiiskaas ugu muhiimsanaa in ciidamada ahlu sunna ay ka mid yihiin ciidamada xooga dalka wixii hada ka danbeeyane ay si toos ah u hoos imaan doonaan wasaarada gaashaandhiga Soomaaliya.
Waxaana heshiiskaas dowlada u saxiixay wasiirka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya C/xakiin Xaaji MAx’uud Fiqi oo qayb ka ahaa waftiga R/wasaaraha halka ahlu sunna ay u saxiixeen saraakiil uu ka mid ahaa afhayeenka ahlu sunnada gobolada Koonfureed Sh Max’ed Xuseen Al-qaadi iyo masuuliyiin kale oo ka tirsanaaahlu sunna.
Halkaan hoose ka daawo warbixintaani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login