Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Muuqaalka:Wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka soo dagay garoonka Heathrow Airport ee magalada London

Waxaa xaleey magaala London ee dalka UK ka soo dagay wafdi balaaran oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya & qaar kamid ah golaha wasiirada Dowlada Federaalka Soomaaliya oo ay ugu horeyaan Wasiirka arimaha dibada marwo Fowsiya Xaaji Yuusuf & Wasiirka madaxtooyada mudane Faarax C/laahi iyo Agaasimaha Guus ee Xafiiska Madaxwayanaha Soomaaliya Mudane Kamaal Dahir Guutaale iyo Madaxkale.
Wafdigaani oo ay soo dhaweeyeen qaar kamid ah jaliyada Soomaalida ee ku nool London iyo wakiil ka socdo boqorada dalka UK. Boqashada wafdigaani ayaa noqon doonto mudo 4 maalin iyada oo la filaayo inay la kulman madaxda dalka UK oo uu ugu horeeyo Raisul wasaaraha dalka UK David Cameron iyo madax kale oo ka tirsan dowlada Britain. Baritoole ayaa lagu wadaa in wafdigaani ay la kulmaan Jaaliyada Soomaalida ee ku nool London
Ugu danbeyntiina madaxweynaha aya sheegay ay tahay markiii ugu horeysay oo uu London yimaad asiga oo Xil ka haayo dowlada Soomaaliyeed

halkaanka daawo warbixin taani oo dhameystiran

You must be logged in to post a comment Login