Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka:Shir weyne looga Hadlayay Sidii Dib u Habeyn loogu Sameyn Lahaa Garsoorka oo ka Furmay Muqdisho.

Shirkaani garsoorka ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho ayaa socon doono mudo 5 maamood,
Qodobada looga hadli doono Shirk ayaa waxaa ka mid ah:-
• Faaqidaada Caqabadaha hortaagan Garsoorka;
• Dib-u-dhiska iyo Horumarinta Hay’adaha Garsoorka, soo celinta kala denbeynta iyo u gaansiga sharciga;
• Talo ka bixin Qorshe/Siyaasad Qaran oo hagta Hay’adaha Cadaalada;
• Xiriirka ka dhaxeeya Hay’adaha Garsoorka iyo Dastuurka Cusub iwm.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgalay Shirka, waxaana sidoo kale ka qeyb galaya , sharci yaqaano iyo aqoonyahano dalka gudihiisa iyo dibadiisa ka kala yimid.
Sidoo kale waaxaa shirka ka qeyb galay xubno ka socday maamulada Puntland & Somaliland.
Ka qeyb galayaasha kuma koobna intaasi balse waxaa sidoo kale ka qeyb galaya Mas’uuliyiinta Maxkamadaha oo ay ka mid tahay Maxkamada iyo Hay’adaha kale oo ay quseyso garsoorka.
Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay shirka asiga oo ka dhawaajiyey in dowlada Soomaaliya aysan kaligeed go’aam ka gaari karin nuuca uu noqonayo garsoorka uu yeelanayo dalkeena Soomaaliya wuxuuna carrabaabay in dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada looga baahan yahay iney dowr muuqda ku lahaadaan in dhidibada loo aaso garsoor hagaagsan oo dalkuu uu yeesho.
Halkaan hoose ka daawo sida uu u dhacay shirkaani.

You must be logged in to post a comment Login