Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqaalka:Taliska Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya oo digniin u diray Ajaanibta Sharci darrada dalka ku jooga

Taliska hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Ajaanibta ku sugan gudaha dalka Soomaaliya ee aan sida sharciga ah ku joogin wadanka taliyaha Taliska hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya C/laahi Gaafow Max’uud ayaa shaaca ka qaaday in hada wixii ka danbeeya lala xisaabtami doono Shaqsiyaadka Ajaanibta ah ee dalka sharci darrada ku jooga.
Jen. Gaafow ayaa sheegay in Labadii sano ee lasoo dhaafay ay dalka kusoo badanayeen Ajaanibta soo galaya gudaha Soomaaliya kuwaas oo uu sheegay ineysan intooda badan dalka ku imaan hab sharci ah oo ay ka warqabto dowlada Soomaaliya,wuxuuna tilmaamay in dalka ay ku sugan yihiin Shaqsiyaad fara badan oo Ajaanib ah kuwaas oo qaarkood la shaqeeyaan AMISOM iyo shirkado kale oo dalka ka hawlgala.
Taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya Jen. C/laahi Gaafow ayaa digniin u diray dhamaan Ajaanibta dalka sharci darrada ku jooga wuxuuna ku amray iney qaataan sharci ay dalka ku joogaan sida ugu dhaqsaha badan ,wuxuuna u qabtay iney amarkaas ku dhaqan galiyaan muddo 12 maalmood ah gudahood ah wixii intaa ka danbeeyane uu bilaaban doono la xisaabtankooda .
“Qof walba oo dalka ku sugan oo Ajinabi ah waa inuu ogolaansho ka haystaa dowlada Soomaaliya,qof walba oo Soomaali ah waa inuu sharci u sameeyaa Ajaanibta ay shaqadu kala dhaxayso,hadii amarkaas la fulin waayo Ajaanibta sharciga aan dalka ku joogin xabsiyada ayaa loo taxaabayaa,dadka ay la shaqeeyaane waxay mutaysan doonaan Ganaax iyo ciqaab adag” ayuu yiri taliyaha hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya C/laahi Gaafow.
Hadalka kasoo baxay hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowlada Soomaaliya ayaa imaanaya xili ay dalka ku sugan yihiin Ajaanib fara badan kuwaas oo si sharci darro ah dalka kusoo gala isla markaane aan laga warqabin waxyaabaha ay dalka ka qabtaan.

You must be logged in to post a comment Login