Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqalka: madaxweyne ku xigeenka Turkiga oo xafiiskiisa ku qaabilay madaxweynaha maamulka Somaliland

Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga Bekir Bozdag, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Weftiga Madaxweynaha maamulka Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee socdaalka ku jooga dalkaasi, waxaana kulankaasi lagu faaqiday qodobo la xidhiidha wax wada qabsiga labada qaran.

Raysal wasaare Ku xigeenka Turkiga ayaa madaxweyne Siilaanyo ku soo dhaweeyay niyadsamaan, waxaanu kaga hor yimid xafiiskiisa hortiisa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka soo gaadhay Magaaladda Ankara, ka dib markii uu ka soo kicitimay magaaladda Istanbul, waxaana madaxweynaha loo dhigay darmada cas (ama rooga cas) oo lagu muuneeyay weftiga Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Dhanka kalena waxaa lagu soo waramaayaa in madaxweyne Siilaanyo iyo weftdgiisu u qorshaysan inay la kulmaan Raysal wasaaraha Turkiga Rajab Tayyib Ordugan oo isagu marti-qaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha maaulka Somaliland iyo Wefdigiisa.

You must be logged in to post a comment Login