Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo muuqalka: Weerar Geystay Khasaare Dhimasho,Dhaawac Iyo Dhac Oo Maanta Lagu Qaaday Xawaaladda Kaah Express Boosaaso

Koox hubaysan ayaa weerar ku qaaday Xafiiska Xawaaladda lacagaha Kaah Expess ee magaaladda Boosaaso,iyadoona uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhawaac soo gaaray Shaqaalaha Xawaaladda.
Kooxda Weerarka soo qaaday oo gudaha Xawaaladda ku dishay sida Raxanreeb u sheegeen Madax kamid ah Kaah Express Waardiyihii iyo Qasnajigii Xawaaladda iyagoona dhaawac laba kamid Shaqaalaha oo xiligaas ku Shaqada.
Shaqaalaha Xawaaladda Kaah Express ee ay Kooxdu dishay oo kala ah Cabdiwaaxid Maxamed iyo Guulleed Xasan Weyrax,waxayna dhaawaceen Cabdiqaadir Ibraahim iyo Asad Xinbil Cilmi.
Maamulka sare ee Xawaaladda Kaah Express kama aysan hadlin dhacdadaan,waxayna sheegin oo kale Cadada lacagta la dhacay ee tiilay gudaha Xawaaladda,iyadoona la filaayo in Saacadaha soo socda faa-faahin ka bixiyaan.
Kooxda Weerarka soo qaaday oon ilaa hadda la garanreyn cida ay ahaayeen ayaa goobta isaga baxsaday,waxayna horey usii qaateen guud ahaanba Lacago Xawaaladda ku shaqeyneysay oo tiilay Xarunta.

Taliyaha Ciidamada Booliska gobolka Bari Cismaan Cawke Afdalow oo ay Raxanreeb la Xiriirtay in uu faah- faahin ka bixiyo sida Weerarku u dhacay ayaa ka gaabsaday,wuxuuna kusoo koobay in baaritaan ay wadaan dibna uga hadli doonaan.
Shacabka ku dhaqan magaaladda Boosaaso ayey fajiciso ku noqoto Weerarka maalin cad lagu qaaday Xaawalad lacageed,taasoo horey aan looga baran gudaha magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

You must be logged in to post a comment Login