Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo: Nin ay ilmo-adeer yihiin WASIIR Somaliland ah oo ay KAAMIRO qabatay isaga oo qarxinaya Hotel kuyaalo magaalada MUQDISHO

Nin ay ilmo adeer yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Xersi Xaaji Cali oo lagu magacaabo Mucaawiye Axmed Jamac ayaa markii ugu horeeysay lagu xukumay dil toogasho kadib markii Maxkamadda Ciidanka qalabka sida la horgeeyay Kaamirada loo yaqaan CCTV oo cadeeyneysa isagoo isku qarxiyay gudaha Hotel-ka Maka Al Mukarama ee Magaaladda Muqdisho. Muuqaalka Kaamirada Qarsoon ee ku xirneed Hotel-ka waxay muujineysaa Mucaawiye Axmed Jaamac iyo nin ka horeeyay oo soo gelaya Hotel-ka. Ninka la socday Mucaawiye oo ku lebisnaa isku joog,wuxuu watay Computer-ka gacanta kaas oo lagu soo dhex rakibay qalabka qarxa hasse yeeshee markii ay galeen gudaha Hotel-ka ayuu ninkii ku wareejiyay Mucaawiye Computer-kii gacanta. Ninkii ku lebisnaa isku jooga quruxda badan ayaa dib uga laabtay Hotel-ka, wuxuuna u baxay dibada oo lagu diyaariyay gaari laga buuxshay walxaha qarxa. Mucaawiye Axmed Jaamac oo fadhiyay gudaha Hotel-ka ayaa Computer-kii gacanta kala furay kadibna intuu xabadka saartay u dhaqaaqay Miis ay fadhiyeen dad farabadan oo ku shaahayay. Macaawiye ayaa taabtay halkii loo tilmaamay inuu ka qarxiyo Computer-ka hase yeeshee nasiibdaro qaraxii ma noqon sidii uu filayay. Dadkii ayaa yaacay isagana wuxuu xabadka dhigtay dhulka isagoo iska dhigaya inuu ka mid yahay dhibanayaasha. Ciiidanka Nabadsugida ayaa qabtay Mucaawiye Axmed Jaamac, waxaana laga duubay Wareeysi maqal iyo muuqaala maalmo kala duwan. MUXUU SHEEGAY MUCAAWIYE AXMED JAAMAC? Mucaawiye wuxuu sheegay inuu ku dhashay Burco oo laga soo diray,wuxuu sheegay inay ilma adeer yihiin Wasiirka Madaxtooyadda Xersi Xaaji Cali oo ku qalqaaliyay inuu falka ismiidaaminta ka fuliyo Muqdisho. “Waxaan ka imid Burco,waxaan u dhashay qabiilka Isaaq gaar ahaan Habar jeclo ,Raaska Axmed Faarax,waxaana qorshaheeygu ahaa inaan isqarxiyo laakiin waa fashilmay” ayuu yiri Mucaawiye Axmed Jaamac oo xukun dila lagu xukumay ugu dambeyn. Mucaawiye wuxuu sheegay inay la socdaan afarta ragga oo reer Burco ah kuwaas oo dhamaantood doonaya inay qaraxyo ka fuliyaan Muqdisho. “Anaga waxaa nalagu yiri -Jano raadsada ,qaarkeen waxaa nalagu yiri ,Waa dadkii awooweyaashiin iyo aabayaashiin laayay ee isku qarxiyo laakiin safarkeena dheer iyo ismiidaaminta siyaasad kama marna ,meesha waxa ku jira qadiyadeenii gooni isu taaga, waxaa fikirkaan nala qabo Amiirkeena Al-Shabaab Axmed Godane, waxaad ogtihiin inay halkaan Koofurta ka dagaalami jireen wiil uu dhalay Wasiirkii Maaliyadda Somaliland Mohamed Hashi Elmi, Wiil uu dhalay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo la yiraa Mustaf Khaliil Cabdullahi iyo wiil uu adeer u ahaa Wasiir Xersi Xaaji Cali oo Cabdiraxmaan Garweyne dhalay” ayuu yiri Mucaawiye Axmed Jaamac. Dukumiintigaan laga diyaariyay ninkaan togashada lagu xukumay wuxuu cadeeyn buuxda u yahay in qaraxyada iyo dilalka Koofurta Somalia ka socda laga soo abaabulo Hargeysa iyo Burco iyadoo ujeedka dhabtaana qof walba fahmi karo. Somaliland waxay hooy u noqotay argagixiso Mayal adag sidaasna waxaa Warbaahinta u xaqiijiyay Taliyahii hore ee Sirdoonka Somaliland Jeneral Mohamed Nur. Si kastaba ha ahaatee, qofkasta oo daawada muuqaalkaan laga helay Kaamirada CCTV gudaha Hotel-kii uu isku qarxiyay iyo Wareysi aan xabsiga gudahiisa kula yeelanay Gacan ku dhiigle Mucaawiye, wuxuu xaqiiqsanayaa in la joogo xilligii nolosha lagu gubi lahaa kuwa ujeedkoodu yahay inay burburiyaan Koofurta Somalia gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.
buy Cialis Soft, buy zithromax.

You must be logged in to post a comment Login