Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Odoyaasha Kismaayo oo loo soo Xiray Tababar la Xiriira Xallinta Khilaafaadka

Maamulka Jubba ayaa tababar la xiriira hogaaminta haboon iyo weliba xallinta khilaafaadka usoo gabagabeeyay qaar kamid ah odoyaasha dhaqanka deegaanada Jubooyinka. buy Erectalis online, buy Zoloft.

Tababarkan oo ay odoyaasho ku jireen mudo lix maalmood ah, ayaa intii uu socday waxa ay ku  baranayeen casharro kala duwan oo la xiriira xallinta khilaafaadka, hogaaminta iyo weliba waxyaalaha laga doonayo muwaadinka.

Max’ed Deeq oo ah macalinkii bixinayay casharrada oo ugu horeyn ka hadlay xafladdii xiritaanka tababarka ayaa sheegay in odoyaashu ay mudo 6 maalmood ah soo baranayeen casharro kala duwan oo la xiriira howlaha ay inta badan qabtaan odoyaasha ee dhanka hogaaminta iyo xallinta khilaafaadka.

Agaasimaha arimaha bulshada iyo dhalinyarada Jubbaland Burhaan Max’uud Xasan (Kukuuyu) oo munaasibad ka hadlay ayaa uga mahadceliyay dowladda UK iyo hay’adihii fududeeyay siminaarka tababarka ay siiyeen odoyaasha, isagoo sheegay in loo baahanyahay in odoyaashu ay bulshada qeeybaheeda kale gaarsiiyaan culuumta ay ka kororsadeen tababarka.

Tababarka uu maamulka Jubba usoo xiray odoyaasha dhaqanka ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Kismaayo ay ka soconayaan shirar la xiriira soo xulitaanka baarlamanka uu yeelan doono maamulka Jubbaland. 

 

You must be logged in to post a comment Login