Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Qarax Xoogan oo ka dhacay Muqdisho+SAWIRO

Qarax Miino oo khasaaro sababay ayaa maanta waxa uu ka dhacay suuq ku yaalla degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhimatay oo midu yahay Askari  7 kalena waa ay ku dhaawacmeen oo shacab u badan.

Markii qaraxu dhacay kadib ayaa Warbaahinta waxaa faah faahin ka siiyay qaraxaasi Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxow kaas oo sheegay in uu ahaa weerar Al Shabaab ay ka dambeeyeen isagoo shaaca ka qaaday in lala eegtay dhismo dowladda Hoose ay ku leedahay Suuq ku yaalla degmada Kaaraan oo Canshuur qaadista qaabilsan.

Dhinaca kale waxaa maanta Askari ka tirsanaa Ciidanka dowladda lagu dilay Suuqii Cirtoogtee ee Gudaha Suuqa Bakaaraha kaas oo dilkiisa ay ka dambeeyeen labo Nin oo Bastoolado Ku hubeysnaa kuwaas markii ay Askariga dileen qorigiisa qaatay deedna ka baxsaday Goobta dilka ay ka geysteen.

Shalay iyo maanta ayaa dilal iyo weeraro kala duwan waxa ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho iyadoo weeraradaan ay imaanayaan xilli Masuuliyiinta dowladdu sheegeen in dowladdu ay billaabeyso inta lagu guda jiro Bisha Ramadaan Howl gal la Magac baxay Nabad Ku afur.

 

DSC_0026

DSC_0001

DSC_0003

Malegra DXT no rx, order lioresal. DSC_0004

DSC_0007

DSC_0012

DSC_0013

DSC_0014

DSC_0015

DSC_0016

DSC_0017

DSC_0024

DSC_0025

You must be logged in to post a comment Login