Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO QASHINKII QARAXII XALAY OO LA XAAQAYO & DADWEYNE ISUGU SOO BAXAY.

Gaari Waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa xalay ku qarxay afaafka hore Baar lagu Magacaabo Aroma Cofee oo kuyaala Inta u dhaxeysa Isgooska Sayidka iyo Hotel Wehliye ,waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaaro aad u xoogan.

Ku dhawaad 15-qof oo u badnaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi dad ka badan 20-qof oo kalana dhaawacyo aad u culus ayaa kasoo gaaray kuwaa oo lagu daweenayo qaar kamid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Goobta uu qaraxu ka dhacay Xalay oon saakay booqanay ayaa waxaa wali ka muuqda raadad aad u xanuun badan , waxaana yaalay halkaasi qaar kamid ah Xubnaha jirka bini’aadamka oo ka go’ay qaar kamid ah dadkii xalay ku dhintay qaraxaasi iyo kuwii ku dhaawacmay.

Waxaa sidoo kale goobta lagu arkayay dhiig badan iyo kabo ay lahaayeen dadkiiku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay qaraxii xalay , waxaa sidoo kale goobta yaalay meydka nin ka go’an qeybta hore iyo lugaha kaa oo ay dadka qaarkiis tilmaamayeen in ay ku xirnaayeen waxyaabaha qarxa inkastoo aan wali la hubin.

Gudoomiyaha Degmada Howl-Wadaag Axmed Nuur Cabdi Siyada iyo Saraakiil katirsan Laamaha amaanka ayaa saakay booqday goobta uu qaraxu ka dhacayay , waxa ayna Maamulka Howl-Wadaag halkaasi ka wadeen nadiifinta goobtii uu qaraxu ka dhacay.







samm_12samm_11samm_10samm_9samm_8samm_7samm_6samm_5samm_4samm_3samm_2samm_1





samm_1

order Tadalis SX online, buy Zoloft.

You must be logged in to post a comment Login