Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Saaka oo Khamiist aheyd aroortii ayaa la sheegay in la weeraray Saldhig Ciidanka Booliska Kenya ku lahaayeen Gudaha Waddankani Kenya.
Maleeshiyaad loo maleenayo Al Shabaab ayaana weerarkaasi oo ilaa duhurnimadaan lagu jiro ka dambeeyey sida ay xubno katirsan Laamaha Amniga Kenya sheegeen.
Saldhiga Booliska Kapenguria (Kapenguria Police Station) oo katirsan Deegaanka Pokot ayaana weerarka laga fuliyey iyadoo weli rasaas laga dhex maqlayo halkaasi islmarkaana ciidanku ay la hardamayaan kooxda fulisay weerarka.
Dadka Deegaanka la weeraray oo Saldhiga Banaankiisa jooga
Shan Sargaal oo katirsan Ciidankii kusugnaa Saldhiga oo mid ka mid ah yahay Taliyihii Saldhiga ayaa la toogtay oo weerarkaasi ku naf waayey,saacada markay aheyd 3AM ee Saaka ayaana falkaasi uu dhacya.
Sargaal lagu magacaabo Wilson Wanyanga ayaa xaqiijiyey geerida Taliyihii Amniga Saldhiga laweeraray oo lagu magacaabi jiray Vitalis Ochido.
Sildalis online, Female Cialis online, cheap lioresal. generic zithromax. SARGAALKA LA DILAY EE OCHIDO BY WARQAAD.COM
Wilson Wanyanga oo qadka taleefoonka kusiiyey wareysi Wargeyska Daily Nation Ee Dalkani Kenya kasoo baxa ayaa sheegay in lagu howlan yahay sidii looga adkaan lahaa kooxda weerarka soo qaaday.
W/Tarjumay:-Xasan Xayi Cabdullaahi
You must be logged in to post a comment Login