Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Sawirada: Maxkamadeynta Wariyaal ka tirsan Idaacada Shabelle oo dib u dhacday kadib markii la waayay Qareenkii u doodi lahaa

Waxaa maanta maxkamada gobalka Banaadir kasoo muuqday sedax wariye oo ka shaqeyn jiray idaacadihii la xiray ee Shabeelle iyo Sky iyo waliba milkiilihii idaacadahaasi kuwaas oo la filayay in dhageysiga dacwadoodu bilaabato, hasa yeeshee markii uu soo galay garsoorihii dacwada qaadi lahaa ayaa la waayay qareenadii u doodayay eedeysanayaasha taas oo ku kaliftay garsooruhu in uu ku dhawaaqo in maxkamadu xirantahay.

Wariyaasha kala ah Maxamed Bashiir Xaashi, Maxamuud Carab iyo Axmed Cabdi Xassan oo uu wehliyo milkiilihii idaacada Shabeelle ayaa maxkamada gobalka Banaadir la hor keenay, waxaana gudoomiyaha maxkamada gobalka Banaadir, Xaashi Cilmi Nuur, uu weydiiyay in ay joogaan qareenadii u doodi lahaa eedeysanayaasha, kadibna la ogaaday in ay maqanyihiin, sidaa darteedna uu qaatay go’aanka ah in la xiro maxkamada wariyaashii xabsiga laga keenayna la xiro.

“Fadhiga maxkamadu waa xiranyahay, maxaabiista halagu celiyo xabsiga, hana soo raadsadaano qareen u dooda”, sidaa waxaa yiri, Gudoomiyaha Maxkamada Gobolka Banaadir Xaashi Cilmi Nuur.

Cabdi Maalik iyo Axmed Cabdi Xassan oo damiin lagu sii daayay kadib markii sanadkii hore ay dhacday Maxkamadeyntoodo ayaa waxa ay halka maxkamadeyntu ka dheceysay ku yimaadeen si xoriyadi ku dheehantahay, waxa ayna ku fadhiyeen waqti badan kuraasta dadka dacwada dhageysanaya ay fariistaan inkasta oo markii danbe laga kaxeeyay.

Wariyaashaan ayaa waxaa la sheegay in loo heesto baahinta warar wax u dhimaya amaanka qaranka Soomaaliya, waxaana xilligii la qabtay laga joogaa ku dhawaan Shan bilood, waxaa sidoo kale wali hawada ka maqan Idaacadaha Shabelle iyo Sky.

maxx_2

maxx_6

maxx_4

maxx_5 Forzest for sale, lioresal online.


FADLAN FIKIRKAAGA WAA MUHIIM

You must be logged in to post a comment Login