Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo sawirada:Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maalintii Labaad kusugan London Lana Kulmay Madax Caalami ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi heersare ah oo howl shaqo u jooga London ayaa maanta oo Jimco ah kulamo la qaatay saraakill sar sare oo ka tirsan dowladda Ingriiska.

Kulamadaan ayaa waxaa Madaxweynaha kala qeyb-galay R/Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimahha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga Marwo Fawziyo Yusuf Adam,Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax Sh. Cabdul-Qaadir, la taliyayaasha Madaxweynaha, iyo saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya.

Wafdiga ayaa waxaa saakay qaabilay saraakiisha ugu sareyso xagga amniga ee dowladda Ingiriiska. Waxaana halkaas looga hadlay qaabkii Soomaaliya dib loogu soo celin lahaa nabadda.Amniga ayaa wuxuu kow ka yahay Lixda Tiir Sayaasadeed ee dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa wuxuu la kulmay hey’adda u qaabilsan dowladda Ingiriiska, dhanka horumarinta.Goobtaas wuxuu Madaxweynaha ka sharaxay qaabka ay dowladda Federaaalka Soomaaliya ku dooneyso in ay u geeyso geeyso adeega bulshada goboladda dalka oo dhan.

Ugu danbeyntii ayuu Madaxweynaha ku tukadey Masaajidka Islamic Cultural Center. Halkaasna uga mahad celiyay maamulka Masjidka, adeega ay u hayaan Muslimiinta ku nool dalka Ingiriiska

ImageProxy

ImageProxy-1

ImageProxy-2

You must be logged in to post a comment Login