Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone
Raisul wasaaraha xukuumada Somalia Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi uu horkacayo ayaa saaka safar ah uga ambabxay magaalada Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada Marka ee gobolka Sh/hoose.
Wafdiga raisul wasaaraha oo ilaalo aad u xoogan ay ka hayaan ciidamo fara badan oo isugu jira kuwa dowlada Somalia iyo AMISOM oo wata gaadiid dagaalka iyo kuwa gaashaaman ayaa goor dhow gaaray degaanka Shalambood halkaasoo ay kaga hor yimaadeen masuuliyinta gobolka Sh/hoose.
Xubnaha raisul wasaare Saacid ku wehliya safarkiisa ayaa waxaaa ka mid ah wasiirka warfaafinta, C/llaahi Ciilmooge Xirsi, wasiirka arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed, wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Fiqi, Wasiirka Maalliyadda Max’uud Xasan Suleymaan, Taliyaha Ciidammada Booliiska Jen.
Shariif Sheekhunaa Maye, Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. C/qaadir Cali Diini, Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng. Axmed Macalin Fiqi, iyo madax kale.
Lama oga inta maalin ee raisul wasaaraha iyo wafdigiisa ay joogi doonaan magaalada Marka hase ahaatee waxaa la sheegay iney kulamo kula qaadan doonaan, waxgaradka iyo qeybaha bulshada magaalada Marka, waana safarkii ugu dheeraa ee uu galo raisul wasaare Saacid tan iyo markii xilkaas loo magacaabay dhowr bilood ka hor.
Halkan hose ka daawo sida loo soo dhaweeyay Risulwasaare Saacid.
You must be logged in to post a comment Login