Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Shir looga hadlayo arrimaha Somalia oo goordhow ka furmay dalka Rwanda

Warka naga soo gaaraya Magaalada Kigali ee dalka Rwanda, ayaa sheegaya in halkaasi uu maanta ka furmay shir xasaasi ah oo ay soo qabanqaabiyeen Madaxda Ururka Midoowga Afrika iyo DF Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in shirkaasi uu yahay mid loo qabtay Qurba-Joogta Soomaalida, iyadoona diirada lagu saari doono Arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin ka qeybqaadashada dhismaha dalka, dhaqaalo galinta Caasimada iyo kaalinta ay ka qaadan karaan guud ahaan horumarinta dalka.

Shirka ayaa waxaa goor dhow furay Ergeyga Midoowga Afrika ee Soomaaliya danjire Maman Sadikou, iyadoona ay ku xigsadeen Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Midowga Africa iyo Safiiro dalkaasi Rwanda marti ku ah.

Waxaa Magaalada Kigali ee dalka Rwanda xiligaani ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan DF Somalia oo iyagu indha indheenaya qaabka uu shirka u socdo iyo Warmurtiyeedka kasoo bixi doona.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in madaxda Qaranka ay goor dhow ka hadlaan Shirka ka furmay Magaalada Kigali ee dalka Rwanda, mana cadda inta uu socon doono shirka.

23456 Female Cialis buy online, dapoxetine reviews. 78

DSC07542

91011121314161718

Caasimada Online

You must be logged in to post a comment Login