Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo shirkii maalgashiga Africa ee ka furmay London isla markaana ay ka soo qeybgaleen,,,,,

Shirweynaha ayaa looga hadlay fursadaha maalgashiga dalalka Afrika, waxaana kamid ah Hogaamiyayaasha Afrika ee la casumay Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo matelayey Wadanka Soomaaliya. order Viagra Jelly online cheap, order dapoxetine.

Shirkan oo ay kasoo qeyb galeen qaar kamid ah Madaxweynayaasha iyo Raysalwasaarayaasha Afrika ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa wafuud heer Wasiiro ah oo ka yimid 37 wadan oo ka tirsan dalalka Qaarada Afrika.

Madaxweynayaasha, Ugandha, Ghana, Rwanda iyo Raysalwasaaraha Tanzaniya ayaa kulankan uga hadlay qorshaha dalalkooda ee dhanka horumarinta iyo qeybaha ay doonayaan in shirkadaha caalamiga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahay inay maalgashi ku sameystaan.

Al Shabaab iyo EBOLA

Khudbadihii furitaanka shirka laga soo jeediyey ayaa sidoo kale looga hadlay khatarta cudurka EBOLA iyo waliba ka hortagida kooxaha amniga Afrika khatarta ku ah oo ay ugu horeyso kooxda Al Shabaab, sida uu sheegay William Hague oo ah madaxa Baarlamaanka UK (House of Commons) isla markaana sheegay inay guul u tahay dowlada UK inay marti geliso shirkan.

Mr.Hague ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin in dowlada UK ay tahay dowlada ugu horeysay dhanka xiriirka ay la leedahay Afrika marka la eego Qaarada Europe isla markaana dooneyso inay sii xoojiso xiriirka wadamada Afrika sida dalka Soomaaliya, oo uu sheegay in dhawaan safaaradii UK dib looga furay magaalada Muqdisho.


Golbal_Summit_Afrika_32 Golbal_Summit_Afrika_31 Golbal_Summit_Afrika_30 Golbal_Summit_Afrika_29 Golbal_Summit_Afrika_28 Golbal_Summit_Afrika_22 Golbal_Summit_Afrika_23 Golbal_Summit_Afrika_26
Golbal_Summit_Afrika_19 Golbal_Summit_Afrika_17 Golbal_Summit_Afrika_13 Golbal_Summit_Afrika_14 Golbal_Summit_Afrika_16 Golbal_Summit_Afrika_12 Golbal_Summit_Afrika_10 Golbal_Summit_Afrika_8 Golbal_Summit_Afrika_2

 

IMG_0867
Golbal_Summit_Afrika_4

Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isagu matalayey dalka Soomaaliya ayaa ka hadlay ahmiyada ay dalka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar ahaan Puntland u leedahay maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musefeni ayaa sheegay inay dowladooda ay daneenayso xoojinta dhanka beeraha iyo waxsoosaarka. Halka Madaxweynaha Ghana Mr.Mahama uu sheegay inay doonayaan dib u habeynta iyo horumarinta Tamarta dalka Ghana.

Paul Kagame Madaxweynaha Rwanda ayaa sheegay in loo baahan yahay in shirkadaha doonaya inay maalgashtaan dalkooda ay la yimadaan qorshe u cuntami kara wadamada Afrika, isagoo sheegay in Rwanda daneenayso dhanka horumarinta Tiknoolojiyada casriga ah sida IT iyo isgaarsiinta.

Raysalwasaaraha Tanzania Mr.Pinda ayaa sheegay in dalkooda ay hada ku mashquulsan yihiin dhanka horumarinta Wadooyinka Tareenada xiligan oo ay dowlada Tanzania ay dhiseyso wadada Tareenada oo ka badan dhererkeeda 2000km oo isku xireysa xeebta Tanzania iyo Galbeedka dalkaasi.

Madaxweynaha Puntland Prof.Gaas ayaa dhankiisa sheegay in ay doonayaan in laga taakuleeyo dhanka horumarinta Kaabayaasha dhaqaalaha sida Airporada, Dekkadaha iyo Wadooyinka. Sidoo kale Puntland diyaar u tahay dhanka maalgashiga Waxsoo saarka Beeraha, Batroolka, Gaaska, Macdanta iyo Biyaha.

Madaxweyne Gaas oo warbaahinta  siiyey ayaa sheegay in deegaanada Puntland ay hada ka socdaan dhismayaal badan iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ayna doonayaan inay helaan maalgashi sare loogu qaado Shaqo abuurista iyo Ganacsiga Puntland.

Wafdiga ka socda Puntland oo uu kamid yahay Wasiirka Beeraha Cabdi Ismaaciil Boos ayaa kulamo gaar ah la yeeshay hogaamiyayaasha Afrika ee shirka kasoo qeyb galay.

Shirkan oo maanta ka furay Hotel SAVOY ee magaalada London ayaa socon doona muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ku sugan shirkadaha waaweyn ee daneenaya inay ka qeyb qaataan ganacsiga sii koraya ee qaarada Afrika.

Dhinaca kale Boqorada Dalka UK ayaa maanta Qado sharaf u sameysay Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, Madaxweynaha Ugandha Yoweri Musefeni, Madaxweynaha Ghana John Mahama, Raysalwasaaraha Tanzania Mizengo Pinda, Madaxweynaha Puntland Prof.Cabdiweli Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Nigeria Obasanjo oo shir gudoominaya shirweynahan.

Farah Yassin Osman

Somalimedia.co.uk

London,UK
Fyok78@hotmail.com

You must be logged in to post a comment Login