Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo sida loo biliqeysto dukaamada Soomaalida ee Koonfur Africa

 

Ugu yaraan 30 dukaan oo soomaali iyo ajaanib leedahay ayaa lagu boobay degaanka Snake Park oo ka tirsan degaanka weyn ee isku raranka ah ee Soweto ee duleedka magalada johannesburg oo ay daganyihiin dadka madowga ah ee fuqarada ah k/afrika.
Boobka goobahan ganacsi ayaa ka danbeeyay kadib markii ganacsato soomaali ah ay toogasho ku dileen wiil arday ah oo 14 jir k/afrikaan ah xili ay baacsanayeen kooxo burcad ah oo doonayay inay dhacaan goobo ganacsi sida ay warbaahinta gudaha u xaqiijisay Nonhlanhla oo 21 jir ah lana dhalatay wiilka ardayga ah ee la toogtay ,“Waxaan daawanayeen filim waxay ii aheyd xili daganaansho aan ku jiray waxaan ka war heley koox dhallinyara ah oo qeylinaya misane guriga orad kusoo galay oo waxay nagu yiraahdeen Siphiwe wa la toogtay oo wa uu dhintay.“Anigo miir la,a dhanka ay jiho iga xigta garan la. ayaan ku soo yaaceen goobta walaalkeyga lagu dilay waxaana u imid jirkiisii maydka walaalkay oo dhulka yaalay,” ayay tidhi.Sido kale deriska Norman Mtingi oo kamd ah dadka degaanka da,deedu tahay (36) ayaa sheegtay in Siphiwe uu ku dhintay dhabteeda iyado caawineeysa .Police-ka k/afrika ayaa ku amray aganacsatada ajaanibta ah inay xiraan goobahooda ganacsi madamada ay xaaladu tahay mid cakiran islamarkane aysan xakameeyn karin kumanaanka qof oo wadooyinka taagan ee doonaya inay rabshada dhaliya khasaara geeystaan waxaana police-ka ay u shegeen ganacsatada in hadii ay awoodan ganacsiyadooda rartaan ,Qaar kamid ah dadkii rabshada ka danbeeyay ee ahaa dadka deegaanka iyo afar ganacsto oo sadax kamid yihiin ethiopian iyo mid soomaali ah ayaa lo xiray falka dilka ah ee loo geeystay wiilka 14 jirka ah iyado ganacsatada lagu helay hub aan sharci aheyn sida ay police-ka ku warameen
Sildalis without prescription, purchase clomid.

You must be logged in to post a comment Login