DAAWO: Wararkii u dambeeyay Jigjiga iyo xisbiga doortay madaxwaynaha cusub oo looga yeeray Adis-ababa

Filed under: Wararka |

Waxaa maanta dib u bilaabmay duulimaadyadii u kala gooshi jiray magalooyiinka Addis Ababa iyo jigjiga, Iyadoo Diyaarad siday rakaab ay ka soo qaaday magaalada Addis Ababa ay gaartay magalaad Jigjiga.

Waa markii ugu horeysay tan iyo Sabtidii oo ay diyaarad ka degto magalada Jigjiga, Waxaana si tartartiib ah caadi ugu soo laabanaya noolasha magaalada Jigjiga, iyadoo a dib loo furay qaar ka mid ah ganacsiyada iyo bangiyada magaaladasi.

Dhinaca kale Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga DDSI oo dhowaan doortay Madaxwayne Cusub looga yeedhay magaalada Adisaba, Waxaana la sheegay inay ku gacan saydheen Codsiga ka yimid Dawladda dhexe ee Itoobiya.

Masuul u ka hadlay Maamulka Dawlad deegaanka Soomaalida oo ka hadlay Arintan ayaa sheegay In Faragelin Qaawan lagu hayo, Wuxuuna sheegay inuu xidhan yahay Madaxwaynahoodii.

Posted by on August 10, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply