Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAAWO WARIISKA ARIMAHA DIBADA SOMALIYA OO KA QEYB GALAY SHIRKA WASIIRADA ARIMAHA DIBADA EE JAMACADA DOWLA CARABTIYAH.

Shirkan oo ahaa kii Caadiga ahaa ee ay ku kulmi jireen wasiirada arimaha dibada ee wadamada carbeed ee marba meel lagu qaban jiray ayaa Shalay ku qabsoomay magaalada qaahira ee dalka masar.

Sido kale shirkan waxaa kaso qeyb galay Madaxweynaha Dowlada Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maazin, Shirkan ayaa ahaa mid lagu qadaa dhigayay Sedex arimood oo ay kaso shaqeeyeen Safiirada wadamada Carabta, Xaalada ugu horeysay ayaa aheyd Xaalada ka taagan Falastiin iyo dhibaatooyinka aan ka wada qabno ee marwalbo dusha ka saaran dadka carbeed, Xaalada labaad ayaa iyadane aheyd tan Liibiya oo iyaduna meel aad uxun mareysa, Xaalada Seddexaad ee weli lagu guda jiro oo aan laso gaba gabeyn ayaa aheyd daraasad laga sameeyay Argagaxisada oo aad looso daraseeyay qaas ahaana la eegay carabta iyo wadamada muslimka ah Argagaxisoyinka Jooga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga Caalamiga Ee D.F.S Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo qeyb ka ahaa shirkan ayaa marka uu shirka so gaba gaboobay waxa uu si gooni gooni ah kula kulmay Wasiirada La Saaxiibka Ah D.F.S ee iyagu kaso qeyb galay shirkan, kuwaas oo kala ahaa Wasiirka Arimaha Dibada ee Dalkan Masar, Kuwait, Mauritania, Aljeriya, Maroco,

Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Dhiirigalinta Maalgashiga Caalamiga Ee D.F.S Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo aan caawa ku booqanay hotelka uu ka daganyahay magaalada qaahira ee dalka masar, ayaa ino sheegay in shirkan ahaa mid aad u heer sareeyay, Qodobada shirka looga hadlayna ay ahaayeen kuwo si gaar ah ino quseeyo hadii ay ahaan laheyd Argigixisada iyo hadii Dalalka kale ee Carbeed ee la dhibaayo aytahayba.

Sido kale Dr. Beyle ayaa ino sheegay in ay si kooban ugu wada hadleen wasiirada uu la kulmay Shirka Sharma Sheekh Ka Dhici Doona bisha March oo ay doonayaan in looga hadlo Arimaha Somaliya ugu dambeyntiina Dr. Beyle ayaa Ino Sheegay Shirarkan iney ahaayeen kuwo wax ku ool ah misane uu filaayo in ay wax wanaagsan kaso bixi doonan.

Daawo Sawirada:

order Cialis Jelly online, purchase zithromax. IMG_8423  IMG_8426 IMG_8439 IMG_8440   IMG_8450 IMG_8456 IMG_8457 IMG_8458 IMG_8460 IMG_8461 IMG_8462 IMG_8470 IMG_8491 IMG_8495 IMG_8499 IMG_8501 IMG_8502 IMG_8553    IMG_8569  IMG_8576

You must be logged in to post a comment Login