Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Wasaaradda amniga oo soo saartay awaamiir dhanka amaanka ah inta ciida lagu jiro

Afhayeenka wasaarada aminga Qaranka xukuumada federaalka Soomaaliya   Maxamed yuusuf  Cusmaan  oo maanta warbaahinta shir jaraa’id ugu qabtay    magaalada Muqdisho ayaa   ka warbixiyay  howlgalada amniga lagu xaqiijinayo ee ciidamada amnigu ay  ka   sameynayaan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwii dhacay bishii   Septembar ee aynu soo dhaafnay,  ayaa   sheegay in ay ku guulaysteen ciidamadu inay  fashiliyaan  37  isku day weerar oo isugu jirtay dilal  qorsheysan  iyo qaraxyo kuwaas oo  nabadiidka Al-Shabaab  ay  ku doonayeen   in ay ku dhibaateyaan   shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay  gacanta ku soo dhigeen   53  ka mid ah kooxda Al-Shabaab     oo isugu jiray  amniyaadka  iyo waxa ay ugu yeraan   maleeshiyaadka Al-Shabaab   amiiro  iyo  hub  fara badan.

cheap dapoxetine, cheap lioresal.

Maxamed Yuusuf Cusmaan  afhayeenka wasaaradda amniga Qaranka Soomaaliya  oo ka hadlayey   sida ay  ugu diyar garoobeen hay’adaha amniga    qaranku   sugida amniga   shacabka Soomaaliyeed  inta lagu jiro maalmaha ciidul ADXA  oo maleeshiyaadka caadaystay  daadinta   dhiiga  bulshada Soomaaliyeed marka ay   faraxsanyihiin ayaa tilmamay in    wadooyinka   soo gala  magaalada Muqdisho la dhigay  ciidamo kala duwan oo   la socon doona dhaq dhaqaaqa dadka soo   galaya  Muqdisho , ismarkaana amar lagu bixiyey   in magalada Muqdsiho  aysan  soo gali Karin   qof ka yar  40 sano inta lagu jiro  maalmaha ciida    Damiin la’aan si loo xaqiijiyo in dadka muslimiinta ah ay farxad ku gutaan maalmahooda farxadda.  

You must be logged in to post a comment Login