Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Wasiirka Gasahaandhiga Somalia iyo Wafdi uu hogaaminayo oo si diiran loogu soo dhaweeyay Sudan

Wafdigaani Ka Kooban Dhawrka Xubnood isla Markaana uu Hor kacayay Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Federalka Somaliya Maxamed Shiikh Xassan Ayaa Xallay Soo Gaaray Caasimada Suudaan Ee Khartoum. Wafdigan Waxaa qaabilay Wasiirka Gashaandhiga Dalka Sudan iyo Saraakiil Ka Tirsan Xukumada Sudan, Diplomasyiinta Safaarada Somaliyeed Ee Sudan iyagoona La Dajiyay Mid ka Mid Ah Hotellada Ugu Tunka Weyn Khartoum. Wasiirka Gaashaandhiga Oo Warfiydiyeenada La Hadlay Ayaa Yiri” Khartoum Waxaynu U Nimaanay Xoojinta Xiriirka Labada Dawladood ee mataanaha Ah Somaliya Iyo Sudan waxaana Qaabilaad Rasmi ah Ka Hellay Dhigayga Dalkan Sudan C/raxiin Maxmuud Xusseen Waxaana Safarka Igu Weheliya 4 Sargaal oo Ka Socda Wasaarada Gaashaandhiga Dalka. Mar Uu Ka Hadlayay Amaanka Dalka Waxaa uu Sheegay Wasiirku In Uu Soo Hagaagayo Isla Markaana Ay Marqaati ka Yihiin Xaalada Amaan Ee Dalka ,Dadka Ka Imaaya Qurabaha Isgooona Sheegay In dagaalladu Ay Ku Danbeeyaan Haatan Sida Uu Hadalka U Dhigay Gobolada Dalka. Waxaa uu Baaq U Dirayay Aradayda Somaliyeed Iyo Jaaliyada Khartoum Waxaa Uu Sheegay In Ay Khartoum Wax Ka Bartaan Araday Tiro Badan Oo Dhawr Kun Gaaraya Kunna Dadaalaan Wax Barashada Maadaama Ay Yhiin Ubixii Birto. Waxaa Uu Wasiirka U Mahad Celiyay Xukuumada Baladul Amini Wal Amaana (Nabada Iyo Nabadgelyadda) Ee Suudan Iyo Madaxdooda Oo uu Ku Sheegay In Ay Hiil Iyo Hooba La Garab Taaganyhiin Shacabka Somlyeed Kuwaas oo uu Ku Tilmaamay In aanan Marnaba La Hilmaami Karin.. Safarka Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumada Soomaaliya Waxaa Ku Weheliya Saraakiil Kallla Ah.. Sareeye Guuto C/qaadir Macalin Nuur, G/Sare Maxamed Goodax Barre.,C/qaadir Cusmaan Shido. G.Sare Nuur Aadan Ugu Danbeyn Safiirka Safarada SOmaliyeed Ee Sudan Oo isna la Hadlay Warfidiyeenada Ayaa Xussay In ka Safaarad ahaan Buuuxinyaan Kaalintooda Lana Kullmi Doonaan Wafdiga Qeybaha Kalla Duwanee Bulshada.. gaashaan_5 gaashaan_4 gaashaan_3 gaashaan_2 gaashaan_1 Jaamac Ukun Khartoum-Suudan

You must be logged in to post a comment Login