Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo Xoogaga Xuutiyiinta oo goor dhow la wareegay Madaxtooyada Wadanka Yemen

Ka dib markii Xoogaga Xuutiyiinta ay muddo saacado ka hor isku gadaameen Dhismaha Madaxtooyada Magaalada Sanca, ayaa waxaa goor dhow u suurta gashay in ay la wareegaan.

Taliyaha Ciidamada Ilaalada ee Madaxtooyada Yemen Col. Saleh al-Jamalani, ayaa wuxuu sheegay inay baneeyeen Madaxtooyada, markii uu weerar kaga yimid Xoogaga Xuutiyiinta.

Taliyaha wuxuu kaloo xaqiijiyay in Xoogaga Xuutiyiinta ay si buuxdo ula wareegeen Qasriga Yemen looga arrimiyo, laakiin muusan sheegin halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Yemen Abed Rabbo.

Warar madax banaan, ayaa waxay sheegayaan inaanu Madaxweynuhu kuba sugnayn Madaxtooyada, xilligii uu weerarku dhacaayay.

Burbur, ayaa ka muuqanaaya wadooyinka soo gala Madaxtooyada, ka dib dagaal jilbaha leesku laabtay oo ku dhex maray Ciidamada Dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta, maalinimadii shalay.

Cialis Black no rx, buy lioresal online. Weerarkaan waxa uu ku soo aadayaa, xilli Dowladda Yemen iyo Xuutiyiinta ay fiidnimadii xalay wada gaareen xabad joojin, lagu ilaalinaayo xasiloonida Caasimada.

Beesha Caalamka, ayaa ka walaacsan xaalada murugsan ee ka jirto dalkaasi.

APTOPIX Mideast Yemen Mideast Yemen Mideast Yemen Mideast Yemen Mideast Yemen

You must be logged in to post a comment Login