Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo:Mu’asasada Randa Ee Mareykanka Oo Sheegtay in Al Shabaab Ay Kaalinta 2-aad Uga Jirto Jihaadiyiinta Caalamka.

Mu’asasada maraykanka uqaabilsan dejinta shaxda iyo itiraatiijiyadda ee Randa ayaa soo saartay tirakoob ku aadan kororka weerarada ay uruka Al qaacida ka fuliyaan caalamka.

Randa ayaa warbixinteeda ku sheegtay in mujaahidinta caalamka ee ku xiran Ururweynaha alqaacidda ay cududoodu badatay islamarkaana weeraradoodu xoogeysteen.

Tirakoobka howlgalada Randa ay sameysay waxaa kaalimaha hore uga jira xarakada shabaab iyo dowladda islaamiga ee Ciraaq.

Xarakada shabaab ayaa howlgaladii ugu xooganaa fulisay sanadadii 2008,2009,2010,2011 waxayna mu’asasadu sheegtay in weerarada ay qaadday xarakada shabaabul mujaahidiin ay isugu jireen kuwa maxaalli ah iyo kuwa caalami ah oo wadamo soomaaliya ka baxsan laga fuliyay.

Dowladda islaamiga ah ayaa iyana kaalinta 2-aad uga jirta weerarada ugu badan ee jihaadiga ah oo ay fulisay.

Shaxdan cusub ee kasoo baxday mu’asasada Randa mareykanka waxaa lagusoo hadal qaaday jamaacaadka jihaadiga ah ee kala ah Alqaacidada Jazeerada carabta,alqaacidda maqribul islaami,xarakada shabaabul mujaahidiin,dowladda islaamiga ah iyo jabhadda alnusra.

Mu’asasada Randa waxay tirakoobkeeda ku muujinaysaa in khatarta ugu badan ay mareykanka uga imaanayso faracyada alqaacidda ee caalamka xilli mareykanku ay duqeymo ku dileen intabadan hoggaamiyaashii urur weynaha alqaacidda taasi oo muujinaysa in jihaadka uusan wax saameyn ah ku yeelan dilalka hoggaamiyaasha mujaahidiinta.
somalimemo.net
buy periactin, generic lioresal. somalimemo.net

You must be logged in to post a comment Login