Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Daawo+Video: Beesha Mareexaan oo Is Canaanatay, Axmed Madoobe oo layska Celinayo Ugaasku muxu ka yidhi Shirka !

Waxaa dhawaan magaalada Muqdisho kulan ballaaran oo xog-wareysi ah ku qabtay Ugaaska Beesha Sade Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi wuxuuna warbixin ku siinayey qaybaha bulshada beeshaasi ee ku dhaqan magaalada Xamar.

Kulankan oo ay dad badan ka hadleyn ayaa waxaa ugu danbeyntii hadalka la siiyey Ugaaska Sade Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi kaasi oo ku dheeraaday marxalada ay kasoo mareen dhismaha dowlada hadda jirta iyo maamulka Jubbaland-ba.

Waxaase ugu danbeyntii uu sheegay in maamulka Jubbaland gaar ahaan Kismaayo wax ka socda aysan aheyn wixii la rabay islamarkaana aan loo dul qaadan karin.

sidoo kale qaarkamida Waxgaradka Beesha oo ka yimid Magaalada Kismaayo ayaa waxay soo Bandhigeen Arimo Murugo Badan oo Kataagan Halkaasi, Sidoo kalana Beesha Ayaa Dhexdeeda Isku Canaantay MIDNIMO La’aan waxaana Lagu Qaabay in Si wada Jir meel Loogu Wada Jeesto.

You must be logged in to post a comment Login