Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAB AAD U XOOGAN OO GALABTA KA KACAY XARUN SHIDAAL OO JOWHAR KU TAAL(SAWIRO)

Somalimedia;- Dab aadu xoogan ayaa abaarihii 4;30 daqiiqo ka kacay xarun lagu iibiyo shidaalka oo ku taal Magaalada Jowhar ee xarunta u ah Gobolka shabeelaha dhexe , ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysay dabka waxana haatan soconaya dadaalo lagu doonayo in baqtiiyo dabkaa ka acay xarunta shidaalka ,idaacada jowhar ayaa shacabka ku dhaqan Jowhar ugu baaqday in ay isugu soo baxaan si looga wada qeyb qaato daminta dabkaa waxaana daqiiqado ka dib soo gaaray dadweyne aad u fara badan si ay u badbaadiyaan hantida walaalahood ee dabku qabsaday .

Ma jira Gaadiidka dab damiska loo yaqaan oo Gobolku leeyahay Waloow maamulka Gobolku keenay samo baalooyin si loo kala jaro dabkaa waana lagu guulaystay saddex qeyb loo kala jaro dabkaa waxaa sidoo kale si Mutadawacnimo ah uga qeyb qaadanaayay daminta dankaa iyagoo ciid soo daldalaayay isla markaana baalada lagu qaadayay oo lagu shubaayay dabkaa waxaana suuro gal ah in daqiiqadaha fooda nagu soo hayo la soo afjaro daminta dabkaa saddex qeyb ayaa loo kala jaray si ay u yaraato qasaaraha uu gaysan karo dabkaa .

Shacabka oo si mutadawacnimo ah ku soo gaaray goobtaa ayaa naftooda u biimeeyey walaalohood isla markaana soo saaray fuustooyin shidaal ah si ay u badbaadiyaan walaalohood.Kusimaha gudoomiyaha maamulka gobolka Cali Cismaan Ibraaim , Taliyaha Guutada  Coll ,Ibraahim Yuusuf Taliyaha Qeybta Booliska  Coll.Khaliif iyo dhamaan Ciidamada Xoogga Dalka iyo Booliska ayaa si aad ah ugu howlan  wax ka qabashada  dabkaa .DSC03930

DSC03926DSC03921DSC03880 Cialis Black for sale, buy lioresal. DSC03894DSC03886DSC03886

You must be logged in to post a comment Login