Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dad danyar ah oo dhar loogu qeybiyay degmada Shibis (Sawirro)

Dad gaaraya ku dhawaad ilaa 1000 ruux oo isugu jira caruur haween iyo dad da’ ah ayaa dharkii ay ku ciidi lahaayeen loogu qeybiyay Degmada Shibis Ee Gobolka Benaadir .

Munaasabada dhar qaybinta ah ayaa waxaa fuliyay Ururka Dhalinyarada Himilo, waxaana kasoo qeyb galay mas’uuli yiin ka socotay maamulka Dagmada Shibis gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Himilo iyo qaar ka mid ah ururada bulshada.

Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Himilo Asad Maxamed Maxmuud oo la hadlay warbaahinta ayaa ka war bixiyay dharka ay u qeybiyeen dadka dant yarta ah ee kunoo dagmada shibis, asagoo ugu baaqay dadka Sooamliyed ee ku nool dalka iyo dibada in ay u gar gaaraan dadka danta yar ee ku nool dalka, si ay faraxada ciidda ula qeybsadaan ummaddaha muslimiinta ah.

Aamina cabdulaahi cismaan oo ah uqeyb sanaha arimaha haweenka ee ururka dhalin yarada himilo ayaa sheegatay ururka dhalinyarada himilo uu doonaya in farxada ciidul adxa uu la qeybsado bulshada Sooamliyed.

Gudoomiye ku xigeenka Dagmada Shibis Saacid Cabdulaahi Maxamed oo hadlay ayaa tilaamay in maamulka dagmada Shibis uu ku farax san yahay deeqdan loo qeybiyay dadkaasi. .

Munaasabadani dhar qeybinta ah ayaa timid xili ay fooda inagu soo heysho Ciidul Adxa.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 106

1

Extra Super Tadadel no rx, buy dapoxetine. 2

5

10

You must be logged in to post a comment Login