Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dadka Naftooda Dila oo Ku Soo Badanaya deegaanada Somaliland

Dadka is guba ama is dila ayaa dhawaanahan waxa ay kusoo badanayeen deegaanada maamulka Soomaaliland sida ay ku warameen howl wadeenada caafimaad ee magaalada Hargeysa.
Ibraahim Max’ed Cabdi oo kamid ah howl wadeenada ka howlgal isbitaalka magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay jiraan kiisas badan oo isbitaalka la gaarsiiyey isla markaana ah dad is gubay ama dad doonayey in ay nafdooda dilaan.
Ibraahim ayaa sidoo kale ku waramay in ay ugu badan yihiin dadka is gubaya gabdhaha yar yar inkastoo ay jiraan dad waaweyn oo ayagana qeyb ka ah arintaasi.
Howl wadeenkani ka howlgala isbitaalka magaalada Hargeysa ayaa arintani ku micneeyey dhibaato dhinaca maskaxda ah oo heysta dadka talaabooyinkani ku kacaya taasina ay sababto in ay qaati ka gaaraan nolosha aduunka.
Bilowgii bishani aynu ku jirno ayaa nin la sheegay in maskaxda loogu jiray magaalada Hargeysa ku dilay xaaskiisa iyo caruur uu dhalay isagoo is dili rabana la qabtay.

You must be logged in to post a comment Login