Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal aad u xooggan oo caawa ka dhacay duleedka magaalada Beydhaba

Dagaal xooggan oo ay isaga hor yimaadeen ciidamada Dowlada Soomaaliya oo gacan meleteri ka helaya ciidamada AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa waxa uu ka dhacay Deegaanka Deynuunaay oo duleedka ka ah magaalada Beydhabo ee xarunta gobalka Baay ee koofurta Soomaaliya.

Goob joogayaasha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in dagaalka uu bilaawday kadib markii dagaalamayaal katirsan Shabaab ay weerar gaadma ah ay labeegsadeen saldhig ay leeyihiin ciidamada isgarabsanaya ee AMISOM iyo meleteriga Soomaaliya.

Dagaalka oo ilaa hada aan la’ogeyn qasaaraha uu sababay maadaama uu goor habeen ah dhacay ayaa waxa uu kamid yahaay dagaaladii ugu xooganaa ee waayihii danbe laga soo warinayay gobalka Baay.

Dhinacyada ku lugta leh dagaalka wali kama hadlin waxaana jirta cabsi aad u xooggan oo ay muujinayaan dadka deegaanka Deynuunaay, waxaana wararka hor dhaca ah ee laga helayo dadka deegaanka ay sheegegayaan in ay suuragal tahay in dagaalku uu ku baaho gooba ka baxsan halka dirirtu ka bilabatay.

You must be logged in to post a comment Login