Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal beleed ka dhacay

buy Penegra online, buy dapoxetine online. Wararka aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal beeleed sababay dhimasho iyo dhaawac.

Dagaal beeleedka ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Dhabane-Dhulku heyste oo hoostaga degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, sida dadka deegaanka ay sheegayaan.

Inta la xaqiijiyay labo ruux ayaa ku geeriyootay dagaalka ka dhacay deegaankaasi oo 35 Km dhanka koofur kaga beegan degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dambeeyay kadib markii muran uu ka dhashay gacan ku heynta Ceel-biyood ku yaala deegaanka, iyadoo Alshabaab lasheegay inay u hiiliyeen mid kamid ah maleeshiyaadka deegaanka ku dagaalamay.

Masuuliyiinta maamulka degmada ayaa Caasimada Online u sheegay inay ku baxeen xaalada dagaalka ayna ka hadli doonaan dagaalka iyo qasaarihiisa kadib marka ay xaliyaan.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in dagaalka uu u dhaxeeyo Maleeshiyaad kasoo kala jeeda Habargedir Ceyr iyo Mudolood.

You must be logged in to post a comment Login