Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal culus oo dhex maray ciidamada DF iyo Al-Shabab iyo warar sheegaya…

Muqdisho – Wararka ka imaanaya Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, ayaa sheegaya in Dagaal xoogan uu halkaasi ku dhex maray Ciidamada DF iyo Maleeshiyaadka Alshabaab.

Dagaalka ayaa waxa uu xoogiisa ka dhacay Deegaan Duleedka ka ah Degmada Waajid ee Gobolka Bakool, iyadoona ay Dagaalkaasi qaaden Ciidamada Xoogga Dalka sida Wararku nagu soo gaarayaan.

Dagaalka ayaa waxaa kawar bixiyay C/llahai Aadan Yariisow oo ah Gudoomiyaha Degmada Waajid, ayaa waxa uu sheegay in Dagaalka uu ahaa mid ay qaadeen Ciidamada Milatariga DF, waxa uuna Tilmaamay inay guulo ka gaareen oo ay Al-shabaab ku jabiyeen dagaalka, sida uu hadalka u dhigay.

C/llaahi Aadan ayaa waxa uu sidoo kale, sheegay in Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay dagaalkaasi ku dileen Labo dagaalyahan oo ka tirsanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab,waxaana uu tilmaamay in dhankooda uusan khasaaro soo gaarin.

Dhanka kale, Maleeshiyada Al-shabaab wali kama hadil Dagaalka ka dhacay Duleedka waajid ee Maamulka Degmadaasi uu sheegay in uu ku dilay dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab.

order Viagra online cheap, cheap dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login