Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal Faraha looga gubtay oo ka dhacay Gedo

Dagaal u dhexeeya Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa ka dhacay Duuleedka Degmada Garbahaareey ee Goboolka Gedo.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka dhex maray Al-shabaab iyo Ciidamada Xoogga uu soconayay Mudo ka badan Hal saac,iyadoona uu geeystay Khasaaro Dhimasho iyo Dhaawac ah.

Mid kamid ah saraakiisha Ciidamada Milatariga oo Dagaalka Hogaaminayay laguna Magacaabo Cismaan Sheikh Cabdi ayaa Warbaahinta u sheegay Al-shabaab ay Dagaalka ku jabiyeen sialamatkaana 7 Dagaalame ay ka dileen.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa dhankooda Guulo ka sheegtay Dagaalka ka dhacay Duleedka Garbahaareey,iyogoona Tilmaamay in ay Dileen Saraakiil iyo Ciidamo ka tirsan Milatariga Gaari Dagaalna ay Gubeen.

Ma jiraan Illo Madax banaan oo Xaqiijinaya Khasaaraha Dagaalka marka laga soo tago Sheegashada Dhinacyada ku dagaalamay Duuleedka Degmada Garbahaarey ee ka tirsan Gobolka Gedo.

order Intagra online cheap, generic zithromax.

You must be logged in to post a comment Login