Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka dhacay Bulo-burde iyo Meydad la arkay

depakote reviews, clomid reviews. Ciidamada Dowladda Soomaaliya, AMISOM oo isku dhinac ah iyo Ururka Al Shabaab ayaa Xalay Dagaal Culus waxuu ku dhexmaray Duleedka Magaalada Buulo-Burde ee Bartamaha Soomaaliya.

Dagaalkan ayaa qarxay kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Huwanta ah ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

Cali Cabdulle, oo ah Sarkaal ka tirsan Ciidanka DFS ayaa sheegay in Dagaalka uu ahaa mid Culus islamarkaana ay iska caabiyeen Weerarkii Al Shabaab isagoona intaasi ku Daray in Dagaalka ay ku Dileen Labo Ruux oo ka mid ah Al Shabaab.

“Waxaa Xalay Weerar nagu soo qaaday al Shabaab balse Weerarka kadib waxaa Saakay Magaalada ku aragnay Labo Dagaal yahan oo ka tirsanaa Al Shabaab kuwaasi oo yaalay Goobaha lagu Dagaalamay”sidaasi waxaa yiri Cali Cabdulle.

Sikastaba, Dagaalkan ayaa waxuu ka mid noqonayaa kuwa inta badan ay Al Shabaab u soo qaadaan si gaadmo ah islamarkaana ay waxyeelo kala duwan ay ka soo gaadho labada dhinac ee markaasi Dagaalamaya.

You must be logged in to post a comment Login