Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka dhacay Buurdhuubo, Gobolka Gedo

Ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo Xarakada Al Shabaab ayaa Dagaal Culus oo Khasaaro geystay waxuu ku dhexmaray Magaalada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Kadib markii Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay Weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Itoobiya ay ku leeyihiin Degmada Buurdhuubo ayaa waxaa ka dhashay Khasaaro Nafeed oo soo gaaray Al Shabaab sida la sheegay.

Sarkaal ka tirsan DFS ayaa shaaca ka qaaday inkastoo Dagaalka Cuslaa hadana in halkaasi lagu Dilay ku dhawaad 7 Dagaal yahan oo ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay .

Waxuu xusay Sarkaalkan uu jiro Khasaaro dhaawac kaasi oo soo gaaray Ciidamada Itoobiya ee AMISOM isagoona tilmaamay in la iska caabiyay Weerar Xooganaa ee Al Shabaab ay soo qaadeen.

Xaalada Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu soo waramayaa in laga dareemayo Xasilooni inkastoo Dagaal yahano ka tirsan Al Shabaab ay Weeraro kala duwan soo qaadi karaan.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee AMISOM ayaa Dagaal uga qabsaday Degmada Buurdhuubo Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shababa kuwaasi oo ku sugan hada qeybo ka mid Gobolka Gedo.

You must be logged in to post a comment Login