Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka dhacay Degmada Ceel buur Posted on April 30, 2014

Wararka ka imaanaya degmada Ceel buur ee gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dagaal uu ka dhacay degmadaasi kaaso udhaxeeyey ciidanka Al shabaab iyo Ciidanka AMISOM ee halkaasi kusugan.

Dagaalka waxa uu udhaxeeyey ciidanka Al Shabaab oo weerar ku qaaday ciidanka AMISOM iyo kuwa dawlada ee maamula Ceel buur waxaana aad uyar xogta laga heli karo dagaalkaasi maadama dhinacyada dagaalka udhaxeeyey ay guulo sheegtaan.

Dadkii hore ayey Ceel buur badankood iskaga barakaceen waxaase xaaladu ay tahay maanta mid deggan kadib dagaalkii ka dhacay halakaasi.

Gudoomiyaha Al Shabaab ee gobolka G/gaduud Xasan Yacquub Cali ayaa saxaafada usheegay inay go’doomiyeen Ciidanka Itoobiya ee Ceel buur jooga mar walbo ay isku dayaan inay banaanka usoo baxaan ama ay Saad soo doontaana ay jab xoogan gaarsiiyaan sida uu hadalka udhigay Yacquub.

You must be logged in to post a comment Login