Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka dhacay Gobolka Sh.Hoose & Xiisad wali taagan

Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dagaal Culus waxuu ku dhexmaray Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.

Dagaalkan ayaa waxuu ka dambeyay sida la sheegay kadib markii Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Militariga ay isku qabsadeen gacan ku heynta Degaanka Buufow ee Gobolka Sh.Hoose.

Waxaa Wararka ay sheegayaa in Dagaalkan gelinkii dambe ee Shalay ilaa iyo Xalay in uu ka socday Nawaaxiga Degaanka Buufow iyadoona halkaasi uu ka dhashay Khasaarao kala duwan.

Dadka Degaanka qaarkood ayaa sheegay in Dagaalka uu ahaa mid Culus islamarkaana la isku adeegsaday hubka kala duwan waxaana sidoo kale ay sheegeen in Khasaaro Nafeed uu jiro labada dhinac.

Sikastaba, Xaalada Degaanka Buufow ee Gobolka Sh.Hoose ayaa degan iyadoona xusid ay mudan tahay in Ciidamada Nabadsugida iyo kuwa Militariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wali halkaasi isku horfadhiyaan islamarkaana la filan karo Dagaal kale.

You must be logged in to post a comment Login