Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka dhacay magaalada Marka iyo Xaalada oo caawa ah mid kacsan

Wararka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobolka sh/Hoose ayaa sheegaya in halkaas uu mar kale ka dhacay dagaal xoogan.
Dagaalkan ayaa waxaa uu udhaxeeyaa ciidamada Militeriga dowlada Soomaaliya iyo ciidamo kale oo hoostaga maamulka dowlada ee gobolkaas.
Militeriga dowlada Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay weerar hubaysan ku qaadeen ciidamo ilaalo u ahaa gudoomiye kuxigeenka dhinaca amaanka magaalada Marka C/Salaam Maxamed Cabdulle.
Waxaa jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray ciidamada dagaalamay iyadoo xaaladu ay noqotay mid aad ucakiran oo cabsi gelisay dadka deegaanka.
“Aniga iyo ilaaladeyda oo marayna deegaanka Buufow oo Kismaayo ku dhow ayaa waxaan la kulanay weerar xoogan oo ciidamo Militeri ah inooga yimid” ayuu sheegay C/Salaan Maxamed oo ah sargaalka la weeraray.
Xaalada ayaa lasoo sheegayaa inay tahay mid kacsan, waxaana dagaalkan uu kusoo aadayaa xili dhawaan isla magaalada Marka uu ka dhacay dagaal udhaxeeya militeriga dowlada Soomaaliya iyo maleeshiyaad hoostaga dowlada.

You must be logged in to post a comment Login