Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

DAGAAL ka qarxay gobolka Galgaduud

Wararka ka imaanaya Deegaanka CeelGaras oo hoos yimaada Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay Dagaal xoogan oo la sheegay inuu ahaa mid u dhexeeyay Ciidamo kala taabacsan DF iyo Maleeshiyada Alshabaab.

Wararku waxa ay sheegayaan in Dagaalka uu ahaa mid yimid ka dib markii ay Maleeshiyada Al-shabaab Weerar gaadmo ah ku qaaday Fariisimo ay Ciidamada Dowladda iyo Kuwa AMISOM ku leeyihiin Deegaanka Ceelgaras ee Gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiijiyay Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Lix ka kala tirsanaa labada dhinac, iyadoona la sheegay in dhaawaca uu gaarsiisan yahay ilaa Afar ruux oo u badnaa Maleeshiyada Alshabaab.

Dhanka kale, Deegaanka uu dagaalka ka dhacay ayaa waxaa dhawaan laga saaray Maleeshiyada Alshabaab, waxa ayna tan iyo markii Al-shabaab laga saaray ay ehel u noqotay weeraro joogta ah oo ay Maleeshiyadu la kawsadaan goobaha ay Ciidamada DFS ku sugan yihiin.
Malegra buy online, generic dapoxetine.

You must be logged in to post a comment Login