Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal ka socda Awdheegle

S

Aug 14, 2019

 0S

Afgooye–Dagaal u dhexeeya Al Shabaab iyo Ciidamada Xoogga Dalka ayaa ka socda Degmada Awdheegle ee Gobolka  Shabeellada Hoose, Al Shabaab ayaana dhowr jiho ka weerarey Degmada oo  ay ku sugnaayeen Ciidamada Xoogga Dalka .

Dadka deeganka ayaa KNN  u xaqiijiyay inay arkeen laba gaari oo nooca  dagaalka ah oo ay wateen Ciidamada Xoogga dalka oo gubanaya kuwaasi oo ay qarax la beegsadeen Al Shabaab.

Dagaalka waxaa ka dhashay dhimasho iyo Dhaawac  waxana lasoo warinayaa in Ciidamada Dawladda ay kaga dhinteen labo Askari .

Dhanka kale ilo madax bannaan oo ay heshay KNN ayaa sheegaya in ay ku dhinteen dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-shabaab ee weerarka soo qaaday qaar kalena ay kaga dhaawacmeen .

Dhawaan ayay ahayd markii ay Ciidamada Xoogga Dalka ay la wareegen  gacan ku haynta degaanka Awdheegle ee Gobolka Shabeellada Hoose.

You must be logged in to post a comment Login