Dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay G/ Jubbada Hoose

Filed under: Wararka |

A�A�

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al Shabaab oo barqanimadii maanta ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar culus ku qaadeen fariisin Ciidamo ka tirsan kuwa Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Diif ee Gobolkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse aan la xaqiijin karin inta uu laa��egyahay.

Al Shabaab oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaanka Diif oo dhaca Xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Ma jiro weli wax hadal Ah oo ka soo baxay Maamulka Jubbland oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan Al Shabaab ayaa weeraro ku qaada fariisimaha Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenya ay ku leeyihiin Gobollada Jubbooyinka.

Posted by on January 11, 2018. Filed under Wararka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can skip to the end and leave a response. Pinging is currently not allowed.
[youtube https://www.youtube.com/watch?v=KOQ34B1Nfes&w=468&h=60]

Leave a Reply