Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal u dhexeeyo ciidamada DF ee Soomaaliya oo ka socdo magaalada marka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku waramaya in halkaas uu hada ka soconayo dagaal qaraar oo u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowlada Soomaaliya wararka ayaa tilmaamay in dagaalka u dhexeeya ciidamada ka wada tirsan milateriga Soomaaliya uu ka bilowday markii hore deegaanka Buufow.
Dagaalka ayaa markii danbe kusoo fiday gudaha magaalada Marka wararka aan hadda ka heleyno gudaha magaalada Marka ayaa ku waramaya in dagaalku uu xligan si toos ah uga soconaya bartamaha magaalada dagaalka ka bilowday magaalada Marka ayaa waxaa ku dhintay 2 ruux inta la xaqiijiyey waxaana ku dhaawacmay 4 ruux oo kale oo uu ka tirsan yahay taliyaha ciidamada Milateriga dowlada ee magaalada Marka.
Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka socdo Xarunta degmada,Cisbitaalka iyo saldhiga booliska magaalada Marka ciidamada dagaalamaya ayaa la sheegay iney u kala jabeen qaab beeleed taasoo keentay in dagaalku uu noqdo mid faraha ka baxa waxaana la sheegayaa in dhinacyada ku hardamaya magaalada Marka ay isku adeegsanayaan gaadiidka dagaalka.

You must be logged in to post a comment Login