Widgetized Section

Go to Admin » Appearance » Widgets » and move Gabfire Widget: Social into that MastheadOverlay zone

Dagaal uu dhiig badan ku daatay oo ka dhacay Duleedka Cadaado

nolvadex buy, buy Zoloft online.

Kamagra Flavored for sale, acquire zithromax.

buy Eriacta online, zithromax reviews.
Dagaal culus oo u dhexeeyay Ciidamada NISA iyo Kooxo burcad ah ayaa gelinkii dambe ee maanta waxuu ka dhacay Duleedka Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo mudadii uu socday leysu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa la soo warinayaa in Dagaalkaasi lagu dilay ku dhawaad 5 Ruux oo burcadaasi kamid aheyd.

Dagaalka oo wakhti badan qaatay ayaa yimid kadib markii Ciidamada Nabad Sugidda ay weerar ku qaadeen Baro Kooxo hubeysan ay kaga sugan yihiin Degaanka Godinlabe, oo qiyaas ahaan 28Km dhinaca Koonfureed kaga beegan Magaalada Cadaado.

Ciidamada Nabadsugida ee weerarka qaaday ayaa waxa ay wateen ilaa Seddex gaari nooca dagaalka ah, waxa ayna mudada uu Dagaalka socday gacanta kusoo dhigeen tirro kamid ahaa Burcada.

Sidoo kale, Burcada la weeraray ayaa dhac u geysan jiray Gaadiidka xamuulka ah iyo kuwa dadka shacabka ay isticmaalaan waxa ayna Burcada u badnaan jirtay Degaanka Godinlabe oo u dhaxeysa Magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya.

Maamulka Galmudug ayaan wali ka hadal Dagaalka, inkastoo la sheegay in Saraakiisha amaanka ay wareysanayaan kuwa gacanta lagu soo dhigay.

You must be logged in to post a comment Login